soomaali
Surah Fatir ( The Orignator ) - Aya count 45
الْحَمْدُ لِلَّهِ فَاطِرِ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ جَاعِلِ الْمَلَائِكَةِ رُسُلًا أُولِي أَجْنِحَةٍ مَّثْنَىٰ وَثُلَاثَ وَرُبَاعَ ۚ يَزِيدُ فِي الْخَلْقِ مَا يَشَاءُ ۚ إِنَّ اللَّهَ عَلَىٰ كُلِّ شَيْءٍ قَدِيرٌ
( 1 ) ![soomaali - Fatir ( The Orignator ) - Aya 1 Fatir ( The Orignator ) - Aya 1](style/islamic/icons/mp3.png)
Mahad Eebaha billaabay «abuuray» samooyinka iyo dhulka yaaleh kana yeelay Malaa'igta farriinwade, oo garbolabo labo ahiyo saddex saddex iyo afar afar ah leh, wuuna siyaadiyaa Eebe abuuriduu doono, Eebana wax walba uu doono wuu karaa.
مَّا يَفْتَحِ اللَّهُ لِلنَّاسِ مِن رَّحْمَةٍ فَلَا مُمْسِكَ لَهَا ۖ وَمَا يُمْسِكْ فَلَا مُرْسِلَ لَهُ مِن بَعْدِهِ ۚ وَهُوَ الْعَزِيزُ الْحَكِيمُ
( 2 ) ![soomaali - Fatir ( The Orignator ) - Aya 2 Fatir ( The Orignator ) - Aya 2](style/islamic/icons/mp3.png)
Wixii Eebe dadka ugu nicmeeyo oo naxariis ah wax celin karaa majiro, wuxuu celiyaana wax soodayn kara ma jiro dabadiis, waana adkaade falsan.
يَا أَيُّهَا النَّاسُ اذْكُرُوا نِعْمَتَ اللَّهِ عَلَيْكُمْ ۚ هَلْ مِنْ خَالِقٍ غَيْرُ اللَّهِ يَرْزُقُكُم مِّنَ السَّمَاءِ وَالْأَرْضِ ۚ لَا إِلَٰهَ إِلَّا هُوَ ۖ فَأَنَّىٰ تُؤْفَكُونَ
( 3 ) ![soomaali - Fatir ( The Orignator ) - Aya 3 Fatir ( The Orignator ) - Aya 3](style/islamic/icons/mp3.png)
Dadow xusuusnaada nicmada Eebe korkiina ah, abuure kale ma jiraa oo Eebe ka soo haday oo idinka arsuqi samada iyo dhulka, Eebe mooyee ilaah kale majiro ee xaggee laydiin ka iilii xaqa.
وَإِن يُكَذِّبُوكَ فَقَدْ كُذِّبَتْ رُسُلٌ مِّن قَبْلِكَ ۚ وَإِلَى اللَّهِ تُرْجَعُ الْأُمُورُ
( 4 ) ![soomaali - Fatir ( The Orignator ) - Aya 4 Fatir ( The Orignator ) - Aya 4](style/islamic/icons/mp3.png)
Hadday ku beeniyaan waxaa dhab ahaan loo beeniyay rasuulladii kaa horeeyay, Eeba xagiisaana loo celin umuuraha.
يَا أَيُّهَا النَّاسُ إِنَّ وَعْدَ اللَّهِ حَقٌّ ۖ فَلَا تَغُرَّنَّكُمُ الْحَيَاةُ الدُّنْيَا ۖ وَلَا يَغُرَّنَّكُم بِاللَّهِ الْغَرُورُ
( 5 ) ![soomaali - Fatir ( The Orignator ) - Aya 5 Fatir ( The Orignator ) - Aya 5](style/islamic/icons/mp3.png)
Dadaw yabooha Eebe waa xaq ee yayna idindhagrin nolasha aduunyo, yuuna idinkudhagrin Eebe ku dhagris badane (shaydaan).
إِنَّ الشَّيْطَانَ لَكُمْ عَدُوٌّ فَاتَّخِذُوهُ عَدُوًّا ۚ إِنَّمَا يَدْعُو حِزْبَهُ لِيَكُونُوا مِنْ أَصْحَابِ السَّعِيرِ
( 6 ) ![soomaali - Fatir ( The Orignator ) - Aya 6 Fatir ( The Orignator ) - Aya 6](style/islamic/icons/mp3.png)
Shaydaanku waa colkiin ee idinna col ka yeesha, wuxuuna idiin ku yeedhi uun xisbigiisa si ay asaxaabta Naaarta saciiro u noqdaan.
الَّذِينَ كَفَرُوا لَهُمْ عَذَابٌ شَدِيدٌ ۖ وَالَّذِينَ آمَنُوا وَعَمِلُوا الصَّالِحَاتِ لَهُم مَّغْفِرَةٌ وَأَجْرٌ كَبِيرٌ
( 7 ) ![soomaali - Fatir ( The Orignator ) - Aya 7 Fatir ( The Orignator ) - Aya 7](style/islamic/icons/mp3.png)
Kuwii gaaloobay waxay mudan cadaab darab, kuwii xaqa rumeeyay oo camal fiican falayna waxay mudan dambi dhaag iyo ajri wayn.
أَفَمَن زُيِّنَ لَهُ سُوءُ عَمَلِهِ فَرَآهُ حَسَنًا ۖ فَإِنَّ اللَّهَ يُضِلُّ مَن يَشَاءُ وَيَهْدِي مَن يَشَاءُ ۖ فَلَا تَذْهَبْ نَفْسُكَ عَلَيْهِمْ حَسَرَاتٍ ۚ إِنَّ اللَّهَ عَلِيمٌ بِمَا يَصْنَعُونَ
( 8 ) ![soomaali - Fatir ( The Orignator ) - Aya 8 Fatir ( The Orignator ) - Aya 8](style/islamic/icons/mp3.png)
Ruuxse loo qurxiyay camalkiisa xun oo u arkay inuu fiicanyahay (ma lamid baa kaan saas falin), Eebe cidduu doono yuu dhumiyaa Ruuxuu doonana wuu Hanuuniyaa ee yeyna Naftaadu ku tagan walbahaarkooda, Eebe waa ogyahay waxay samayne.
وَاللَّهُ الَّذِي أَرْسَلَ الرِّيَاحَ فَتُثِيرُ سَحَابًا فَسُقْنَاهُ إِلَىٰ بَلَدٍ مَّيِّتٍ فَأَحْيَيْنَا بِهِ الْأَرْضَ بَعْدَ مَوْتِهَا ۚ كَذَٰلِكَ النُّشُورُ
( 9 ) ![soomaali - Fatir ( The Orignator ) - Aya 9 Fatir ( The Orignator ) - Aya 9](style/islamic/icons/mp3.png)
Eebe waa kan diray dabaysha oy kiciso daruuro markaasaan u kaxayn magaalo dhimatay (abaarowday) markaasaan ku noolaynay roobkaas dhulka intu dhintay ka dib, saas weeye soo bixintiina.
مَن كَانَ يُرِيدُ الْعِزَّةَ فَلِلَّهِ الْعِزَّةُ جَمِيعًا ۚ إِلَيْهِ يَصْعَدُ الْكَلِمُ الطَّيِّبُ وَالْعَمَلُ الصَّالِحُ يَرْفَعُهُ ۚ وَالَّذِينَ يَمْكُرُونَ السَّيِّئَاتِ لَهُمْ عَذَابٌ شَدِيدٌ ۖ وَمَكْرُ أُولَٰئِكَ هُوَ يَبُورُ
( 10 ) ![soomaali - Fatir ( The Orignator ) - Aya 10 Fatir ( The Orignator ) - Aya 10](style/islamic/icons/mp3.png)
Ruuxii dooni sharaf Eebe iska lehsharaf dhammaanteed, xagiisayna u koraan kalimooyinka fiican, camalka suubanna wuu kor yeelaa, kuwa xumaanta ku dhagra (maamula) waxay mudan cadaab daran, dhagarta kuwaasna way uun halaagi.
وَاللَّهُ خَلَقَكُم مِّن تُرَابٍ ثُمَّ مِن نُّطْفَةٍ ثُمَّ جَعَلَكُمْ أَزْوَاجًا ۚ وَمَا تَحْمِلُ مِنْ أُنثَىٰ وَلَا تَضَعُ إِلَّا بِعِلْمِهِ ۚ وَمَا يُعَمَّرُ مِن مُّعَمَّرٍ وَلَا يُنقَصُ مِنْ عُمُرِهِ إِلَّا فِي كِتَابٍ ۚ إِنَّ ذَٰلِكَ عَلَى اللَّهِ يَسِيرٌ
( 11 ) ![soomaali - Fatir ( The Orignator ) - Aya 11 Fatir ( The Orignator ) - Aya 11](style/islamic/icons/mp3.png)
Eebe waa kan idinka abuuray Carro, hadana dhibic, markaas Lab iyo dhadig, haweenayna wax uurka kuma qaado mana dajiso ogaansho Eebe mooyee, ruuxii cimri dhe iyo ruuxii cimri gaabanba waxay ku sugan yihiin kitaabka Eebe, waana u fudud yahay.
وَمَا يَسْتَوِي الْبَحْرَانِ هَٰذَا عَذْبٌ فُرَاتٌ سَائِغٌ شَرَابُهُ وَهَٰذَا مِلْحٌ أُجَاجٌ ۖ وَمِن كُلٍّ تَأْكُلُونَ لَحْمًا طَرِيًّا وَتَسْتَخْرِجُونَ حِلْيَةً تَلْبَسُونَهَا ۖ وَتَرَى الْفُلْكَ فِيهِ مَوَاخِرَ لِتَبْتَغُوا مِن فَضْلِهِ وَلَعَلَّكُمْ تَشْكُرُونَ
( 12 ) ![soomaali - Fatir ( The Orignator ) - Aya 12 Fatir ( The Orignator ) - Aya 12](style/islamic/icons/mp3.png)
Ma eke labada badood taasi waa macaantahay si daran, taasina waa dhanaan daran mid kastana waxaad ka cunaysaan hilib cusub, waxaadna kala baxdaan Macdan aad xidhataan, waxaadna arkaysaan doonta oo jiidhi si aad u dalabtaan fadliga Eebe iyo inaad ku mahadisaan.
يُولِجُ اللَّيْلَ فِي النَّهَارِ وَيُولِجُ النَّهَارَ فِي اللَّيْلِ وَسَخَّرَ الشَّمْسَ وَالْقَمَرَ كُلٌّ يَجْرِي لِأَجَلٍ مُّسَمًّى ۚ ذَٰلِكُمُ اللَّهُ رَبُّكُمْ لَهُ الْمُلْكُ ۚ وَالَّذِينَ تَدْعُونَ مِن دُونِهِ مَا يَمْلِكُونَ مِن قِطْمِيرٍ
( 13 ) ![soomaali - Fatir ( The Orignator ) - Aya 13 Fatir ( The Orignator ) - Aya 13](style/islamic/icons/mp3.png)
Habeenka yuu Eebe dhexgaliyaa maalinta Maalintana wuxuu dhexgaliyaa Habeenka, Qoraxda iyo dayaxana wuu sakhiray mid kastana wuxuu ku socda muddo magacaaban, saas waxa falana waa Eebihiin, isagaana xu- kunka iska leh, waxaadse baryeysaan (caabudaysaan) oo Eebe ka soo hadhay ma hantaan xuub laf timireed.
إِن تَدْعُوهُمْ لَا يَسْمَعُوا دُعَاءَكُمْ وَلَوْ سَمِعُوا مَا اسْتَجَابُوا لَكُمْ ۖ وَيَوْمَ الْقِيَامَةِ يَكْفُرُونَ بِشِرْكِكُمْ ۚ وَلَا يُنَبِّئُكَ مِثْلُ خَبِيرٍ
( 14 ) ![soomaali - Fatir ( The Orignator ) - Aya 14 Fatir ( The Orignator ) - Aya 14](style/islamic/icons/mp3.png)
Hadaad u yeedhataana idin ma maqlaan, haday idinbase maqlaan wax idiima taraan, Qiyaamadana way diidigaalnimadooda, cid wax og, sidaana wax kuugu warrama ma jiro.
يَا أَيُّهَا النَّاسُ أَنتُمُ الْفُقَرَاءُ إِلَى اللَّهِ ۖ وَاللَّهُ هُوَ الْغَنِيُّ الْحَمِيدُ
( 15 ) ![soomaali - Fatir ( The Orignator ) - Aya 15 Fatir ( The Orignator ) - Aya 15](style/islamic/icons/mp3.png)
Dadow idinka unbaa fuqara ah (u baahan) Eebe, Eebena waa hodan amaanan.
إِن يَشَأْ يُذْهِبْكُمْ وَيَأْتِ بِخَلْقٍ جَدِيدٍ
( 16 ) ![soomaali - Fatir ( The Orignator ) - Aya 16 Fatir ( The Orignator ) - Aya 16](style/islamic/icons/mp3.png)
Hadduu doono wuu idin dhamayn wuxuuna keeni kuwo cusub.
وَمَا ذَٰلِكَ عَلَى اللَّهِ بِعَزِيزٍ
( 17 ) ![soomaali - Fatir ( The Orignator ) - Aya 17 Fatir ( The Orignator ) - Aya 17](style/islamic/icons/mp3.png)
Arrintaasna wax Eebe ku culus ma aha.
وَلَا تَزِرُ وَازِرَةٌ وِزْرَ أُخْرَىٰ ۚ وَإِن تَدْعُ مُثْقَلَةٌ إِلَىٰ حِمْلِهَا لَا يُحْمَلْ مِنْهُ شَيْءٌ وَلَوْ كَانَ ذَا قُرْبَىٰ ۗ إِنَّمَا تُنذِرُ الَّذِينَ يَخْشَوْنَ رَبَّهُم بِالْغَيْبِ وَأَقَامُوا الصَّلَاةَ ۚ وَمَن تَزَكَّىٰ فَإِنَّمَا يَتَزَكَّىٰ لِنَفْسِهِ ۚ وَإِلَى اللَّهِ الْمَصِيرُ
( 18 ) ![soomaali - Fatir ( The Orignator ) - Aya 18 Fatir ( The Orignator ) - Aya 18](style/islamic/icons/mp3.png)
Nafna naf kale dambigeed ma qaado, haddii looguyeedho Naf culusoo dambaabday inay xambaarto (danbi naf kale) lagama xambaaro waxba haba noqoto qaraabanee, waxaad uun digi kuwa ka yaabi Eebe iyagoo maqan, oo ooga salaadda, ruuxii isdaahiriyana wuxuu uun isudaahiriyay naftiisa, xaga Eebe unbaana loo ahaan (geeri dabadeed).
وَمَا يَسْتَوِي الْأَعْمَىٰ وَالْبَصِيرُ
( 19 ) ![soomaali - Fatir ( The Orignator ) - Aya 19 Fatir ( The Orignator ) - Aya 19](style/islamic/icons/mp3.png)
Ma Eka indhoole iyo wax arke.
وَلَا الظُّلُمَاتُ وَلَا النُّورُ
( 20 ) ![soomaali - Fatir ( The Orignator ) - Aya 20 Fatir ( The Orignator ) - Aya 20](style/islamic/icons/mp3.png)
Mana eka mugdiyo iyo iftiin.
وَلَا الظِّلُّ وَلَا الْحَرُورُ
( 21 ) ![soomaali - Fatir ( The Orignator ) - Aya 21 Fatir ( The Orignator ) - Aya 21](style/islamic/icons/mp3.png)
Mana eka hoos iyo kulayl.
وَمَا يَسْتَوِي الْأَحْيَاءُ وَلَا الْأَمْوَاتُ ۚ إِنَّ اللَّهَ يُسْمِعُ مَن يَشَاءُ ۖ وَمَا أَنتَ بِمُسْمِعٍ مَّن فِي الْقُبُورِ
( 22 ) ![soomaali - Fatir ( The Orignator ) - Aya 22 Fatir ( The Orignator ) - Aya 22](style/islamic/icons/mp3.png)
Mana eka kuwa nool iyo kuwo dhintay, Eebana wuxuu wax maqashiiyaa cidduu doono, mase maqashiin kartid cid qubuur ku sugan (gaaladuna) waa wax dhintay oo kale).
إِنْ أَنتَ إِلَّا نَذِيرٌ
( 23 ) ![soomaali - Fatir ( The Orignator ) - Aya 23 Fatir ( The Orignator ) - Aya 23](style/islamic/icons/mp3.png)
Waxaan u dige ahayn ma tihid.
إِنَّا أَرْسَلْنَاكَ بِالْحَقِّ بَشِيرًا وَنَذِيرًا ۚ وَإِن مِّنْ أُمَّةٍ إِلَّا خَلَا فِيهَا نَذِيرٌ
( 24 ) ![soomaali - Fatir ( The Orignator ) - Aya 24 Fatir ( The Orignator ) - Aya 24](style/islamic/icons/mp3.png)
Annagaa kugu dirray xaq adoo bishaarayn oo digi, umadaan udige loo dirinna ma jirto.
وَإِن يُكَذِّبُوكَ فَقَدْ كَذَّبَ الَّذِينَ مِن قَبْلِهِمْ جَاءَتْهُمْ رُسُلُهُم بِالْبَيِّنَاتِ وَبِالزُّبُرِ وَبِالْكِتَابِ الْمُنِيرِ
( 25 ) ![soomaali - Fatir ( The Orignator ) - Aya 25 Fatir ( The Orignator ) - Aya 25](style/islamic/icons/mp3.png)
Haday gaaladu ku beeniyaan waxaa wax beeniyay kuwii ka horreeyay, waxay ula timid rasuuladoodii xujooyin iyo kutub (waano) oo xukun leh.
ثُمَّ أَخَذْتُ الَّذِينَ كَفَرُوا ۖ فَكَيْفَ كَانَ نَكِيرِ
( 26 ) ![soomaali - Fatir ( The Orignator ) - Aya 26 Fatir ( The Orignator ) - Aya 26](style/islamic/icons/mp3.png)
Markaasaan qabtay kuwii gaaloobay, sayse noqotay ciqaabtaydii (aan ciqaabay kuwaas)
أَلَمْ تَرَ أَنَّ اللَّهَ أَنزَلَ مِنَ السَّمَاءِ مَاءً فَأَخْرَجْنَا بِهِ ثَمَرَاتٍ مُّخْتَلِفًا أَلْوَانُهَا ۚ وَمِنَ الْجِبَالِ جُدَدٌ بِيضٌ وَحُمْرٌ مُّخْتَلِفٌ أَلْوَانُهَا وَغَرَابِيبُ سُودٌ
( 27 ) ![soomaali - Fatir ( The Orignator ) - Aya 27 Fatir ( The Orignator ) - Aya 27](style/islamic/icons/mp3.png)
Miyaadan arkayn in Eebe ka soo dajiyay Samada biyo markaasna aan ku soo bixinaa Midho ay kala duwanyihiin midabkoodu, Buurahana waxaa ka mid ah wadooyin cad cad, iyo kuwo gaduud ah oo midabo kala duwan leh iyo kuwo madow daran ah.
وَمِنَ النَّاسِ وَالدَّوَابِّ وَالْأَنْعَامِ مُخْتَلِفٌ أَلْوَانُهُ كَذَٰلِكَ ۗ إِنَّمَا يَخْشَى اللَّهَ مِنْ عِبَادِهِ الْعُلَمَاءُ ۗ إِنَّ اللَّهَ عَزِيزٌ غَفُورٌ
( 28 ) ![soomaali - Fatir ( The Orignator ) - Aya 28 Fatir ( The Orignator ) - Aya 28](style/islamic/icons/mp3.png)
Dadka iyo dhulsocotada iyo xoolahaba waxaa ka mid ah midabo kala duwan saas oo kale.
إِنَّ الَّذِينَ يَتْلُونَ كِتَابَ اللَّهِ وَأَقَامُوا الصَّلَاةَ وَأَنفَقُوا مِمَّا رَزَقْنَاهُمْ سِرًّا وَعَلَانِيَةً يَرْجُونَ تِجَارَةً لَّن تَبُورَ
( 29 ) ![soomaali - Fatir ( The Orignator ) - Aya 29 Fatir ( The Orignator ) - Aya 29](style/islamic/icons/mp3.png)
Kuwa akhriya kitaabka Eebe oo salaadda ooga wax ka nafaqeeya (ka bixiya) waxaan ku arsaaqnay qarsoodi iyo caddaanba waxay rajayn tijaaro (ganacsi) aan baaraynin.
لِيُوَفِّيَهُمْ أُجُورَهُمْ وَيَزِيدَهُم مِّن فَضْلِهِ ۚ إِنَّهُ غَفُورٌ شَكُورٌ
( 30 ) ![soomaali - Fatir ( The Orignator ) - Aya 30 Fatir ( The Orignator ) - Aya 30](style/islamic/icons/mp3.png)
Si Eebe ugu oofiyo ajrigooda uguna siyaadiyo fadligiisa, illeen Eebe waa dambi dhaafe mahad badane.
وَالَّذِي أَوْحَيْنَا إِلَيْكَ مِنَ الْكِتَابِ هُوَ الْحَقُّ مُصَدِّقًا لِّمَا بَيْنَ يَدَيْهِ ۗ إِنَّ اللَّهَ بِعِبَادِهِ لَخَبِيرٌ بَصِيرٌ
( 31 ) ![soomaali - Fatir ( The Orignator ) - Aya 31 Fatir ( The Orignator ) - Aya 31](style/islamic/icons/mp3.png)
Kaan kuu waxyoonay ee Quraanka ah unbaa xaq ah wixii ka horreeyayna u rumayn Eebana addoomadiisa waa ogyahay, arkaana.
ثُمَّ أَوْرَثْنَا الْكِتَابَ الَّذِينَ اصْطَفَيْنَا مِنْ عِبَادِنَا ۖ فَمِنْهُمْ ظَالِمٌ لِّنَفْسِهِ وَمِنْهُم مُّقْتَصِدٌ وَمِنْهُمْ سَابِقٌ بِالْخَيْرَاتِ بِإِذْنِ اللَّهِ ۚ ذَٰلِكَ هُوَ الْفَضْلُ الْكَبِيرُ
( 32 ) ![soomaali - Fatir ( The Orignator ) - Aya 32 Fatir ( The Orignator ) - Aya 32](style/islamic/icons/mp3.png)
Markaasaan dhaxalsiinay kitaabka kuwaan dooranay oo addoomadanada ka mid ah, waxaase ka mid ah mid dulmiyay naftiisa, iyo mid dhexdhexaystay, iyo mid ku hanuunay khayrka idanka Eebe, arrintaasna waa fadli weyn.
جَنَّاتُ عَدْنٍ يَدْخُلُونَهَا يُحَلَّوْنَ فِيهَا مِنْ أَسَاوِرَ مِن ذَهَبٍ وَلُؤْلُؤًا ۖ وَلِبَاسُهُمْ فِيهَا حَرِيرٌ
( 33 ) ![soomaali - Fatir ( The Orignator ) - Aya 33 Fatir ( The Orignator ) - Aya 33](style/islamic/icons/mp3.png)
Jannada cadnin yeyna gali iyagoo loogu xidhi dhexdeed asaawir (wax loogu xarragoodo) oo dahab iyo Jawharba leh, dhar kooduna dhexdeeda waa xariir.
وَقَالُوا الْحَمْدُ لِلَّهِ الَّذِي أَذْهَبَ عَنَّا الْحَزَنَ ۖ إِنَّ رَبَّنَا لَغَفُورٌ شَكُورٌ
( 34 ) ![soomaali - Fatir ( The Orignator ) - Aya 34 Fatir ( The Orignator ) - Aya 34](style/islamic/icons/mp3.png)
Waxayna dhihi waxaa mahad leh Eebaha naga tagsiiyay walbahaarka, illeen Eebeheen waa danbi dhaaf badane mahad badane.
الَّذِي أَحَلَّنَا دَارَ الْمُقَامَةِ مِن فَضْلِهِ لَا يَمَسُّنَا فِيهَا نَصَبٌ وَلَا يَمَسُّنَا فِيهَا لُغُوبٌ
( 35 ) ![soomaali - Fatir ( The Orignator ) - Aya 35 Fatir ( The Orignator ) - Aya 35](style/islamic/icons/mp3.png)
Eebihii nadagjiyay guri nagaadi fadligiisa dartiis (janno) nagumana taabto dhexdeeda dhib, nagumana taabto daal.
وَالَّذِينَ كَفَرُوا لَهُمْ نَارُ جَهَنَّمَ لَا يُقْضَىٰ عَلَيْهِمْ فَيَمُوتُوا وَلَا يُخَفَّفُ عَنْهُم مِّنْ عَذَابِهَا ۚ كَذَٰلِكَ نَجْزِي كُلَّ كَفُورٍ
( 36 ) ![soomaali - Fatir ( The Orignator ) - Aya 36 Fatir ( The Orignator ) - Aya 36](style/islamic/icons/mp3.png)
Kuwii gaaloobay waxay mudan naarta Jahannamo, laguma xukumo geeri oy dhintaan, lagamana fududeeyo Cadaabkeeda, saasaana ku abaal marinaa mid kastoo gaalimo badan.
وَهُمْ يَصْطَرِخُونَ فِيهَا رَبَّنَا أَخْرِجْنَا نَعْمَلْ صَالِحًا غَيْرَ الَّذِي كُنَّا نَعْمَلُ ۚ أَوَلَمْ نُعَمِّرْكُم مَّا يَتَذَكَّرُ فِيهِ مَن تَذَكَّرَ وَجَاءَكُمُ النَّذِيرُ ۖ فَذُوقُوا فَمَا لِلظَّالِمِينَ مِن نَّصِيرٍ
( 37 ) ![soomaali - Fatir ( The Orignator ) - Aya 37 Fatir ( The Orignator ) - Aya 37](style/islamic/icons/mp3.png)
Waxay ku qaylyi dhexdeeda Eeboownaga bixi aan camal fiican ookaan sameynjirray ka duwan fallee, miyaanaan idin cimri siin muddo uu wax ku xusuusto ruuxii wax xusuusan oosan idiin imaanin dige (Nabiga) ee dhadhamiya gaaloy (ciqaabta) uma sugnaanin daalimiin gargaaree.
إِنَّ اللَّهَ عَالِمُ غَيْبِ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ ۚ إِنَّهُ عَلِيمٌ بِذَاتِ الصُّدُورِ
( 38 ) ![soomaali - Fatir ( The Orignator ) - Aya 38 Fatir ( The Orignator ) - Aya 38](style/islamic/icons/mp3.png)
Eebe wuxuu ogyahay waxa ku maqan samooyinka iyo dhulka, wuxuuna ogyahay waxa laabta (Qalbiga) ku sugan.
هُوَ الَّذِي جَعَلَكُمْ خَلَائِفَ فِي الْأَرْضِ ۚ فَمَن كَفَرَ فَعَلَيْهِ كُفْرُهُ ۖ وَلَا يَزِيدُ الْكَافِرِينَ كُفْرُهُمْ عِندَ رَبِّهِمْ إِلَّا مَقْتًا ۖ وَلَا يَزِيدُ الْكَافِرِينَ كُفْرُهُمْ إِلَّا خَسَارًا
( 39 ) ![soomaali - Fatir ( The Orignator ) - Aya 39 Fatir ( The Orignator ) - Aya 39](style/islamic/icons/mp3.png)
Eebe waa kan idinka dhigay kuwo dhulka iska badala, ruuxii gaaloobase gaalnimadiisu isagaydhibh, Gaaladana uma kordhiso gaalimadoodu Eebahood agtiisa cadho mooyee, umana kordhiso gaalada gaalnimaadu khasaaro mooyee.
قُلْ أَرَأَيْتُمْ شُرَكَاءَكُمُ الَّذِينَ تَدْعُونَ مِن دُونِ اللَّهِ أَرُونِي مَاذَا خَلَقُوا مِنَ الْأَرْضِ أَمْ لَهُمْ شِرْكٌ فِي السَّمَاوَاتِ أَمْ آتَيْنَاهُمْ كِتَابًا فَهُمْ عَلَىٰ بَيِّنَتٍ مِّنْهُ ۚ بَلْ إِن يَعِدُ الظَّالِمُونَ بَعْضُهُم بَعْضًا إِلَّا غُرُورًا
( 40 ) ![soomaali - Fatir ( The Orignator ) - Aya 40 Fatir ( The Orignator ) - Aya 40](style/islamic/icons/mp3.png)
Ka warrama shariigyada aad baryeysaan ood (caabudaysaan) Eebe ka sokor, i tusiya waxay abuureendhulka, ama wadaag ah oy ku leeyihiin samooyinka, mise waxaan siinay Kitaab oo ay xujeesan, saas ma aha ee gaalada qaarkood qaar uma yabooho waaxaan Dhagar ahayn.
إِنَّ اللَّهَ يُمْسِكُ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضَ أَن تَزُولَا ۚ وَلَئِن زَالَتَا إِنْ أَمْسَكَهُمَا مِنْ أَحَدٍ مِّن بَعْدِهِ ۚ إِنَّهُ كَانَ حَلِيمًا غَفُورًا
( 41 ) ![soomaali - Fatir ( The Orignator ) - Aya 41 Fatir ( The Orignator ) - Aya 41](style/islamic/icons/mp3.png)
Eebaa ka haya Samooyinka iyo dhulka inay gilgishaan (oo tagaan), haday gilgishaana waxaan Eebe ahayn oo qaban ma jiro, Eebena waa dulbadane dhaafid badan.
وَأَقْسَمُوا بِاللَّهِ جَهْدَ أَيْمَانِهِمْ لَئِن جَاءَهُمْ نَذِيرٌ لَّيَكُونُنَّ أَهْدَىٰ مِنْ إِحْدَى الْأُمَمِ ۖ فَلَمَّا جَاءَهُمْ نَذِيرٌ مَّا زَادَهُمْ إِلَّا نُفُورًا
( 42 ) ![soomaali - Fatir ( The Orignator ) - Aya 42 Fatir ( The Orignator ) - Aya 42](style/islamic/icons/mp3.png)
Waxay ugu dhaarteen Eebe dhaar adag hadduu uyimaado udige inay noqdaan kuwa ka hanuunsan (ka toosan) umadaha kale, markuu uyimid digihiina uma siyaadinin waxaan carar ahayn.
اسْتِكْبَارًا فِي الْأَرْضِ وَمَكْرَ السَّيِّئِ ۚ وَلَا يَحِيقُ الْمَكْرُ السَّيِّئُ إِلَّا بِأَهْلِهِ ۚ فَهَلْ يَنظُرُونَ إِلَّا سُنَّتَ الْأَوَّلِينَ ۚ فَلَن تَجِدَ لِسُنَّتِ اللَّهِ تَبْدِيلًا ۖ وَلَن تَجِدَ لِسُنَّتِ اللَّهِ تَحْوِيلًا
( 43 ) ![soomaali - Fatir ( The Orignator ) - Aya 43 Fatir ( The Orignator ) - Aya 43](style/islamic/icons/mp3.png)
isku kibrin dhulka iyo dhagar xun darteed, dhagarna xumaan waxaan ahayn ehelkiisa kuma dhaco ee miyaad sugaysaan waxaan wadadii kuwii hore ahayn, mana helaysid sunnada Eebe wax badala, ma helaysid sunnada Eebe wax wareejiya. Miyeyna ku soconin dhulka ooyna dayeeynin siday noqotay cidhibtii kuwii ka horreeyey gaaladii Makaad, waxay ahaayseen kuwo ka xoogbadan, Ebana wax ku cajisiya (daaliya) ma jiro Samooyinka iyo dhulka dhexdooda midna, waana oge wax walba kara.
أَوَلَمْ يَسِيرُوا فِي الْأَرْضِ فَيَنظُرُوا كَيْفَ كَانَ عَاقِبَةُ الَّذِينَ مِن قَبْلِهِمْ وَكَانُوا أَشَدَّ مِنْهُمْ قُوَّةً ۚ وَمَا كَانَ اللَّهُ لِيُعْجِزَهُ مِن شَيْءٍ فِي السَّمَاوَاتِ وَلَا فِي الْأَرْضِ ۚ إِنَّهُ كَانَ عَلِيمًا قَدِيرًا
( 44 ) ![soomaali - Fatir ( The Orignator ) - Aya 44 Fatir ( The Orignator ) - Aya 44](style/islamic/icons/mp3.png)
Miyeyna ka soconin dhulka ooyna dayeeynin siday noqotay cidhibtii kuwii ka horreeyey gaaladii Makaad, waxay ahaayeen kuwo ka xoogbadan, Eebana wax ku cajisiya (daaliya) ma jiro Samooyinka iyo dhulka dhexdooda midna, waana oge wax walba kara.
وَلَوْ يُؤَاخِذُ اللَّهُ النَّاسَ بِمَا كَسَبُوا مَا تَرَكَ عَلَىٰ ظَهْرِهَا مِن دَابَّةٍ وَلَٰكِن يُؤَخِّرُهُمْ إِلَىٰ أَجَلٍ مُّسَمًّى ۖ فَإِذَا جَاءَ أَجَلُهُمْ فَإِنَّ اللَّهَ كَانَ بِعِبَادِهِ بَصِيرًا
( 45 ) ![soomaali - Fatir ( The Orignator ) - Aya 45 Fatir ( The Orignator ) - Aya 45](style/islamic/icons/mp3.png)
Haddu Eebe u qaban dadka waxay kasbadeen (oo xumaan ah) kagama tageen dhulka korkiisa waxsocda, laakin wuxuu dib ugu dhigi tan iyo muddo magabaaban, marka ajashoodu (Geeridoodu) timaadana Eebe addoomadiisa wuu arkaa.