soomaali
Surah Al-Insan ( Man ) - Aya count 31
هَلْ أَتَىٰ عَلَى الْإِنسَانِ حِينٌ مِّنَ الدَّهْرِ لَمْ يَكُن شَيْئًا مَّذْكُورًا
( 1 ) ![soomaali - Al-Insan ( Man ) - Aya 1 Al-Insan ( Man ) - Aya 1](style/islamic/icons/mp3.png)
Dhab ahaan waxaa dadka soo maray waqti wax la sheego uusan ahayn (uusan jirin).
إِنَّا خَلَقْنَا الْإِنسَانَ مِن نُّطْفَةٍ أَمْشَاجٍ نَّبْتَلِيهِ فَجَعَلْنَاهُ سَمِيعًا بَصِيرًا
( 2 ) ![soomaali - Al-Insan ( Man ) - Aya 2 Al-Insan ( Man ) - Aya 2](style/islamic/icons/mp3.png)
Annagaa ka abuuray dadka dhibic isku Dheehan, Imtixaan Dartiis, waxaana ka yeellay wax maqle wax arka ah.
إِنَّا هَدَيْنَاهُ السَّبِيلَ إِمَّا شَاكِرًا وَإِمَّا كَفُورًا
( 3 ) ![soomaali - Al-Insan ( Man ) - Aya 3 Al-Insan ( Man ) - Aya 3](style/islamic/icons/mp3.png)
Annagaa Dadka tusinnay Jidka, waxayna Noqdeen mid Shukriya (mahadiya) iyo mid Gaalnimo Badan.
إِنَّا أَعْتَدْنَا لِلْكَافِرِينَ سَلَاسِلَ وَأَغْلَالًا وَسَعِيرًا
( 4 ) ![soomaali - Al-Insan ( Man ) - Aya 4 Al-Insan ( Man ) - Aya 4](style/islamic/icons/mp3.png)
Annagaa u darabnay Gaalada silsilado iyo katinado iyo naarta Saciira.
إِنَّ الْأَبْرَارَ يَشْرَبُونَ مِن كَأْسٍ كَانَ مِزَاجُهَا كَافُورًا
( 5 ) ![soomaali - Al-Insan ( Man ) - Aya 5 Al-Insan ( Man ) - Aya 5](style/islamic/icons/mp3.png)
kuwa Baarriyiinta ah waxay ka cabbi weel Buuxa oo lagu Dheehay kaafuur.
عَيْنًا يَشْرَبُ بِهَا عِبَادُ اللَّهِ يُفَجِّرُونَهَا تَفْجِيرًا
( 6 ) ![soomaali - Al-Insan ( Man ) - Aya 6 Al-Insan ( Man ) - Aya 6](style/islamic/icons/mp3.png)
Waa il ay ka Cabbaan Addoomada Eebe, ayna ujiidaan say Doonaan,
يُوفُونَ بِالنَّذْرِ وَيَخَافُونَ يَوْمًا كَانَ شَرُّهُ مُسْتَطِيرًا
( 7 ) ![soomaali - Al-Insan ( Man ) - Aya 7 Al-Insan ( Man ) - Aya 7](style/islamic/icons/mp3.png)
Wayna oofiyaan Nadarka, waxayna ka yaabi maalin sharkeedu fidi (qiyaamada).
وَيُطْعِمُونَ الطَّعَامَ عَلَىٰ حُبِّهِ مِسْكِينًا وَيَتِيمًا وَأَسِيرًا
( 8 ) ![soomaali - Al-Insan ( Man ) - Aya 8 Al-Insan ( Man ) - Aya 8](style/islamic/icons/mp3.png)
Waxayna Quudiyaan iyagoo jecel miskiinka Agoonka iyo kan xabbisan (Dhibban).
إِنَّمَا نُطْعِمُكُمْ لِوَجْهِ اللَّهِ لَا نُرِيدُ مِنكُمْ جَزَاءً وَلَا شُكُورًا
( 9 ) ![soomaali - Al-Insan ( Man ) - Aya 9 Al-Insan ( Man ) - Aya 9](style/islamic/icons/mp3.png)
Iyagoo Dhihi waxaan idiin quudinnay dar Eebe, mana idinka doonaynno Ahaalmarin iyo Mahadnaq Midna.
إِنَّا نَخَافُ مِن رَّبِّنَا يَوْمًا عَبُوسًا قَمْطَرِيرًا
( 10 ) ![soomaali - Al-Insan ( Man ) - Aya 10 Al-Insan ( Man ) - Aya 10](style/islamic/icons/mp3.png)
Waxaan ka Yabaynaa Eebahanno Maalin (wajigu) doorsoomi oo Daran.
فَوَقَاهُمُ اللَّهُ شَرَّ ذَٰلِكَ الْيَوْمِ وَلَقَّاهُمْ نَضْرَةً وَسُرُورًا
( 11 ) ![soomaali - Al-Insan ( Man ) - Aya 11 Al-Insan ( Man ) - Aya 11](style/islamic/icons/mp3.png)
Eebana waa ka Dhawray sharka Maalintaas, wuxuuna siiyay nuur iyo Farax.
وَجَزَاهُم بِمَا صَبَرُوا جَنَّةً وَحَرِيرًا
( 12 ) ![soomaali - Al-Insan ( Man ) - Aya 12 Al-Insan ( Man ) - Aya 12](style/islamic/icons/mp3.png)
Wuxuuna ku abaal Mariyay Samirkooda Dartiis jano iyo Xariir.
مُّتَّكِئِينَ فِيهَا عَلَى الْأَرَائِكِ ۖ لَا يَرَوْنَ فِيهَا شَمْسًا وَلَا زَمْهَرِيرًا
( 13 ) ![soomaali - Al-Insan ( Man ) - Aya 13 Al-Insan ( Man ) - Aya 13](style/islamic/icons/mp3.png)
Waxayna ku Dangiigsan Sariiro Sare, iyagoon ku arkayn qorrax iyo Dhaxan midna.
وَدَانِيَةً عَلَيْهِمْ ظِلَالُهَا وَذُلِّلَتْ قُطُوفُهَا تَذْلِيلًا
( 14 ) ![soomaali - Al-Insan ( Man ) - Aya 14 Al-Insan ( Man ) - Aya 14](style/islamic/icons/mp3.png)
Waxaana u dhaw hooska jannada, waxaana loo soo Raariciyay Midheheeda.
وَيُطَافُ عَلَيْهِم بِآنِيَةٍ مِّن فِضَّةٍ وَأَكْوَابٍ كَانَتْ قَوَارِيرَا
( 15 ) ![soomaali - Al-Insan ( Man ) - Aya 15 Al-Insan ( Man ) - Aya 15](style/islamic/icons/mp3.png)
Waxaa lala kor socon weelal Fidla ah iyo Koobab Quruurado ah.
قَوَارِيرَ مِن فِضَّةٍ قَدَّرُوهَا تَقْدِيرًا
( 16 ) ![soomaali - Al-Insan ( Man ) - Aya 16 Al-Insan ( Man ) - Aya 16](style/islamic/icons/mp3.png)
Quruuradahaas oo fidla ah si fiicanna u Qiyaasan.
وَيُسْقَوْنَ فِيهَا كَأْسًا كَانَ مِزَاجُهَا زَنجَبِيلًا
( 17 ) ![soomaali - Al-Insan ( Man ) - Aya 17 Al-Insan ( Man ) - Aya 17](style/islamic/icons/mp3.png)
Waxaana laga Waraabiyaa Ehlu jannaha Sharaab macaan oo lugu Dheehay sinjibiil.
عَيْنًا فِيهَا تُسَمَّىٰ سَلْسَبِيلًا
( 18 ) ![soomaali - Al-Insan ( Man ) - Aya 18 Al-Insan ( Man ) - Aya 18](style/islamic/icons/mp3.png)
Waana il lugu Magacaabo Salsabiil (ay ka cabbi).
وَيَطُوفُ عَلَيْهِمْ وِلْدَانٌ مُّخَلَّدُونَ إِذَا رَأَيْتَهُمْ حَسِبْتَهُمْ لُؤْلُؤًا مَّنثُورًا
( 19 ) ![soomaali - Al-Insan ( Man ) - Aya 19 Al-Insan ( Man ) - Aya 19](style/islamic/icons/mp3.png)
Waxaana u ageegi wiilal waari, Haddaad Aragtana aad u malayn Jawhar la saydhay.
وَإِذَا رَأَيْتَ ثَمَّ رَأَيْتَ نَعِيمًا وَمُلْكًا كَبِيرًا
( 20 ) ![soomaali - Al-Insan ( Man ) - Aya 20 Al-Insan ( Man ) - Aya 20](style/islamic/icons/mp3.png)
Haddaad Aragto halkaas waxaad arki nicmo iyo sharaf wayn.
عَالِيَهُمْ ثِيَابُ سُندُسٍ خُضْرٌ وَإِسْتَبْرَقٌ ۖ وَحُلُّوا أَسَاوِرَ مِن فِضَّةٍ وَسَقَاهُمْ رَبُّهُمْ شَرَابًا طَهُورًا
( 21 ) ![soomaali - Al-Insan ( Man ) - Aya 21 Al-Insan ( Man ) - Aya 21](style/islamic/icons/mp3.png)
Dharkooduna (Ehlu Jannaha) waa xariir Jilicsan oo cagaaran iyo Xariir adagba, waxaana loo xidhi fidlo Gacmaha la Gashado, Eebana wuxuu ka waraabiyaa sharaab nadiifah.
إِنَّ هَٰذَا كَانَ لَكُمْ جَزَاءً وَكَانَ سَعْيُكُم مَّشْكُورًا
( 22 ) ![soomaali - Al-Insan ( Man ) - Aya 22 Al-Insan ( Man ) - Aya 22](style/islamic/icons/mp3.png)
Kaasi waa Abaalmarintiinii Falkiiniina wuxuu Noqday mid la Mahadiyay.
إِنَّا نَحْنُ نَزَّلْنَا عَلَيْكَ الْقُرْآنَ تَنزِيلًا
( 23 ) ![soomaali - Al-Insan ( Man ) - Aya 23 Al-Insan ( Man ) - Aya 23](style/islamic/icons/mp3.png)
Annagaa Quraanka Nabiyow kugu soo Dajinnay.
فَاصْبِرْ لِحُكْمِ رَبِّكَ وَلَا تُطِعْ مِنْهُمْ آثِمًا أَوْ كَفُورًا
( 24 ) ![soomaali - Al-Insan ( Man ) - Aya 24 Al-Insan ( Man ) - Aya 24](style/islamic/icons/mp3.png)
Ee ku Samir Xukunka Eebe, hana Maqlin Dambiile iyo Gaalnima Badane (warkiis).
وَاذْكُرِ اسْمَ رَبِّكَ بُكْرَةً وَأَصِيلًا
( 25 ) ![soomaali - Al-Insan ( Man ) - Aya 25 Al-Insan ( Man ) - Aya 25](style/islamic/icons/mp3.png)
Xus magaca Eebe subax iyo Galabba.
وَمِنَ اللَّيْلِ فَاسْجُدْ لَهُ وَسَبِّحْهُ لَيْلًا طَوِيلًا
( 26 ) ![soomaali - Al-Insan ( Man ) - Aya 26 Al-Insan ( Man ) - Aya 26](style/islamic/icons/mp3.png)
Habeenkana Eebe u sujuud, una tasbiixso Habeenkii (u tuko) waqti Dheer.
إِنَّ هَٰؤُلَاءِ يُحِبُّونَ الْعَاجِلَةَ وَيَذَرُونَ وَرَاءَهُمْ يَوْمًا ثَقِيلًا
( 27 ) ![soomaali - Al-Insan ( Man ) - Aya 27 Al-Insan ( Man ) - Aya 27](style/islamic/icons/mp3.png)
Kuwaasi waxay Jecelyihiin tan soo Dagdagaysa (Adduunyada) waxay kaga Tagayaan Gadaashoodana Maalin Culus (Qiaamada).
نَّحْنُ خَلَقْنَاهُمْ وَشَدَدْنَا أَسْرَهُمْ ۖ وَإِذَا شِئْنَا بَدَّلْنَا أَمْثَالَهُمْ تَبْدِيلًا
( 28 ) ![soomaali - Al-Insan ( Man ) - Aya 28 Al-Insan ( Man ) - Aya 28](style/islamic/icons/mp3.png)
Annagaa Abuurray Dadka, Adkaynayna xubnohooda, Haddaan Doonnana waxaan ku Baddalaynaa kuwa la mid ah.
إِنَّ هَٰذِهِ تَذْكِرَةٌ ۖ فَمَن شَاءَ اتَّخَذَ إِلَىٰ رَبِّهِ سَبِيلًا
( 29 ) ![soomaali - Al-Insan ( Man ) - Aya 29 Al-Insan ( Man ) - Aya 29](style/islamic/icons/mp3.png)
Suuraddani waa waano, Ee Ruuxii Doona ha ka yeesho Eebe Xaggiisa waddo.
وَمَا تَشَاءُونَ إِلَّا أَن يَشَاءَ اللَّهُ ۚ إِنَّ اللَّهَ كَانَ عَلِيمًا حَكِيمًا
( 30 ) ![soomaali - Al-Insan ( Man ) - Aya 30 Al-Insan ( Man ) - Aya 30](style/islamic/icons/mp3.png)
Waxna ma dooni kartaan in Eebe doona mooyee, Eebana waa wax walba oge falsan.
يُدْخِلُ مَن يَشَاءُ فِي رَحْمَتِهِ ۚ وَالظَّالِمِينَ أَعَدَّ لَهُمْ عَذَابًا أَلِيمًا
( 31 ) ![soomaali - Al-Insan ( Man ) - Aya 31 Al-Insan ( Man ) - Aya 31](style/islamic/icons/mp3.png)
Wuxuu galiyaa naxariistiisa ruuxuu doono, daalimiintana wuxuu u darbay cadaab daran.