soomaali
Surah An-Najm ( The Star ) - Aya count 62
وَالنَّجْمِ إِذَا هَوَىٰ
( 1 ) ![soomaali - An-Najm ( The Star ) - Aya 1 An-Najm ( The Star ) - Aya 1](style/islamic/icons/mp3.png)
Wuxuu ku dhaartay (Eebe) Xiddiggu markuu hoobto.
مَا ضَلَّ صَاحِبُكُمْ وَمَا غَوَىٰ
( 2 ) ![soomaali - An-Najm ( The Star ) - Aya 2 An-Najm ( The Star ) - Aya 2](style/islamic/icons/mp3.png)
Ee saaxiibkiin (Nabigu) ma dhumin, xaqana kama leexan.
وَمَا يَنطِقُ عَنِ الْهَوَىٰ
( 3 ) ![soomaali - An-Najm ( The Star ) - Aya 3 An-Najm ( The Star ) - Aya 3](style/islamic/icons/mp3.png)
Kumana hadlo hawadiisa.
إِنْ هُوَ إِلَّا وَحْيٌ يُوحَىٰ
( 4 ) ![soomaali - An-Najm ( The Star ) - Aya 4 An-Najm ( The Star ) - Aya 4](style/islamic/icons/mp3.png)
quraankuna waxaan waxyi Eebe ahayn ma aha.
عَلَّمَهُ شَدِيدُ الْقُوَىٰ
( 5 ) ![soomaali - An-Najm ( The Star ) - Aya 5 An-Najm ( The Star ) - Aya 5](style/islamic/icons/mp3.png)
Waxaana wax baray (oo xagga Eebe ka soo gaadhsiiyay) ku xoog wayn, (Malaku Jibriil).
ذُو مِرَّةٍ فَاسْتَوَىٰ
( 6 ) ![soomaali - An-Najm ( The Star ) - Aya 6 An-Najm ( The Star ) - Aya 6](style/islamic/icons/mp3.png)
Ee caafimaad iyo quwaba leh, abuuriddiisuna egtahay.
وَهُوَ بِالْأُفُقِ الْأَعْلَىٰ
( 7 ) ![soomaali - An-Najm ( The Star ) - Aya 7 An-Najm ( The Star ) - Aya 7](style/islamic/icons/mp3.png)
Wuxuu joogay jihadii sare (Jibriil).
ثُمَّ دَنَا فَتَدَلَّىٰ
( 8 ) ![soomaali - An-Najm ( The Star ) - Aya 8 An-Najm ( The Star ) - Aya 8](style/islamic/icons/mp3.png)
Kaddibna u soo dhawaaday kuna soo hoobtay (Nabiga).
فَكَانَ قَابَ قَوْسَيْنِ أَوْ أَدْنَىٰ
( 9 ) ![soomaali - An-Najm ( The Star ) - Aya 9 An-Najm ( The Star ) - Aya 9](style/islamic/icons/mp3.png)
Intuu uga jirsado Qaanso (xadhiggeed) ama ka dhaw.
فَأَوْحَىٰ إِلَىٰ عَبْدِهِ مَا أَوْحَىٰ
( 10 ) ![soomaali - An-Najm ( The Star ) - Aya 10 An-Najm ( The Star ) - Aya 10](style/islamic/icons/mp3.png)
Wuxuuna Eebe waxyooday Addoonkiisa (Nabiga) wuxuu u waxyooday.
مَا كَذَبَ الْفُؤَادُ مَا رَأَىٰ
( 11 ) ![soomaali - An-Najm ( The Star ) - Aya 11 An-Najm ( The Star ) - Aya 11](style/islamic/icons/mp3.png)
Qalbiguna Ma beeniyo wuxuu arkay (Nabigu).
أَفَتُمَارُونَهُ عَلَىٰ مَا يَرَىٰ
( 12 ) ![soomaali - An-Najm ( The Star ) - Aya 12 An-Najm ( The Star ) - Aya 12](style/islamic/icons/mp3.png)
Ee ma idinkaa ka murmi «kana doodi» wuxuu arkay.
وَلَقَدْ رَآهُ نَزْلَةً أُخْرَىٰ
( 13 ) ![soomaali - An-Najm ( The Star ) - Aya 13 An-Najm ( The Star ) - Aya 13](style/islamic/icons/mp3.png)
Dhabnimuu Nabigu u arkay Jibrill mar kale.
عِندَ سِدْرَةِ الْمُنتَهَىٰ
( 14 ) ![soomaali - An-Najm ( The Star ) - Aya 14 An-Najm ( The Star ) - Aya 14](style/islamic/icons/mp3.png)
Sidratul-Muntaha agteeda.
عِندَهَا جَنَّةُ الْمَأْوَىٰ
( 15 ) ![soomaali - An-Najm ( The Star ) - Aya 15 An-Najm ( The Star ) - Aya 15](style/islamic/icons/mp3.png)
Agteedana waxaa ah Jannatul-ma'waa.
إِذْ يَغْشَى السِّدْرَةَ مَا يَغْشَىٰ
( 16 ) ![soomaali - An-Najm ( The Star ) - Aya 16 An-Najm ( The Star ) - Aya 16](style/islamic/icons/mp3.png)
(Wuxuu arkay) waqtiguu daboolayay Sidrada wax daboola.
مَا زَاغَ الْبَصَرُ وَمَا طَغَىٰ
( 17 ) ![soomaali - An-Najm ( The Star ) - Aya 17 An-Najm ( The Star ) - Aya 17](style/islamic/icons/mp3.png)
Arragguna kama iilan wuxuu arkay (Nabigu) mana xadgudbin.
لَقَدْ رَأَىٰ مِنْ آيَاتِ رَبِّهِ الْكُبْرَىٰ
( 18 ) ![soomaali - An-Najm ( The Star ) - Aya 18 An-Najm ( The Star ) - Aya 18](style/islamic/icons/mp3.png)
Dhabnimo yuuna u arkay (Nabigu) Aayado Eebe oo waawayn.
أَفَرَأَيْتُمُ اللَّاتَ وَالْعُزَّىٰ
( 19 ) ![soomaali - An-Najm ( The Star ) - Aya 19 An-Najm ( The Star ) - Aya 19](style/islamic/icons/mp3.png)
Ka warrama (Sanamyada) Laata iyo Cuza.
وَمَنَاةَ الثَّالِثَةَ الْأُخْرَىٰ
( 20 ) ![soomaali - An-Najm ( The Star ) - Aya 20 An-Najm ( The Star ) - Aya 20](style/islamic/icons/mp3.png)
Iya Manaatadii saddexaad ee kale.
أَلَكُمُ الذَّكَرُ وَلَهُ الْأُنثَىٰ
( 21 ) ![soomaali - An-Najm ( The Star ) - Aya 21 An-Najm ( The Star ) - Aya 21](style/islamic/icons/mp3.png)
Idinku ma waxaad leedihiin Lab Eebana Dhaddigga.
تِلْكَ إِذًا قِسْمَةٌ ضِيزَىٰ
( 22 ) ![soomaali - An-Najm ( The Star ) - Aya 22 An-Najm ( The Star ) - Aya 22](style/islamic/icons/mp3.png)
Taasi waa qayb dulan ah.
إِنْ هِيَ إِلَّا أَسْمَاءٌ سَمَّيْتُمُوهَا أَنتُمْ وَآبَاؤُكُم مَّا أَنزَلَ اللَّهُ بِهَا مِن سُلْطَانٍ ۚ إِن يَتَّبِعُونَ إِلَّا الظَّنَّ وَمَا تَهْوَى الْأَنفُسُ ۖ وَلَقَدْ جَاءَهُم مِّن رَّبِّهِمُ الْهُدَىٰ
( 23 ) ![soomaali - An-Najm ( The Star ) - Aya 23 An-Najm ( The Star ) - Aya 23](style/islamic/icons/mp3.png)
Sanammaduna magacyo aad magacowdeen idinka iyo Aabayawgiin mooyeen wax kale ma aha, wax xuja ahna Eebe uma soo dajinin, waxaan mala ahaynna ma raacayaan iyo waxa naftoodu doonto, xagga Eebana waxaa uga yimid hanuun.
أَمْ لِلْإِنسَانِ مَا تَمَنَّىٰ
( 24 ) ![soomaali - An-Najm ( The Star ) - Aya 24 An-Najm ( The Star ) - Aya 24](style/islamic/icons/mp3.png)
Mise dadka waxaa u sugnaaday waxay yididiishaan.
فَلِلَّهِ الْآخِرَةُ وَالْأُولَىٰ
( 25 ) ![soomaali - An-Najm ( The Star ) - Aya 25 An-Najm ( The Star ) - Aya 25](style/islamic/icons/mp3.png)
Aakhiro iyo Adduunba Eebaa iska leh.
وَكَم مِّن مَّلَكٍ فِي السَّمَاوَاتِ لَا تُغْنِي شَفَاعَتُهُمْ شَيْئًا إِلَّا مِن بَعْدِ أَن يَأْذَنَ اللَّهُ لِمَن يَشَاءُ وَيَرْضَىٰ
( 26 ) ![soomaali - An-Najm ( The Star ) - Aya 26 An-Najm ( The Star ) - Aya 26](style/islamic/icons/mp3.png)
Badanaa Malag Samada ku sugan oon shafeecadiisu waxba anfacaynin in Eebe idmo mooyee, Cidduu la doono oo ka raalli noqdo.
إِنَّ الَّذِينَ لَا يُؤْمِنُونَ بِالْآخِرَةِ لَيُسَمُّونَ الْمَلَائِكَةَ تَسْمِيَةَ الْأُنثَىٰ
( 27 ) ![soomaali - An-Najm ( The Star ) - Aya 27 An-Najm ( The Star ) - Aya 27](style/islamic/icons/mp3.png)
Kuwa aan rumaynin Aakhiro waxay Malaa'igta ku magacaabi magac dhaddig.
وَمَا لَهُم بِهِ مِنْ عِلْمٍ ۖ إِن يَتَّبِعُونَ إِلَّا الظَّنَّ ۖ وَإِنَّ الظَّنَّ لَا يُغْنِي مِنَ الْحَقِّ شَيْئًا
( 28 ) ![soomaali - An-Najm ( The Star ) - Aya 28 An-Najm ( The Star ) - Aya 28](style/islamic/icons/mp3.png)
Wax cilmi ahna uma laha, ee waxay raaci mala uun, malana xaqa wax kama taro.
فَأَعْرِضْ عَن مَّن تَوَلَّىٰ عَن ذِكْرِنَا وَلَمْ يُرِدْ إِلَّا الْحَيَاةَ الدُّنْيَا
( 29 ) ![soomaali - An-Najm ( The Star ) - Aya 29 An-Najm ( The Star ) - Aya 29](style/islamic/icons/mp3.png)
Ee iskaga jeedso (nabiyow) Ruux ka tagay xukayga (Quraanka) oon doonin waxaan nolosha Adduunka ahayn.
ذَٰلِكَ مَبْلَغُهُم مِّنَ الْعِلْمِ ۚ إِنَّ رَبَّكَ هُوَ أَعْلَمُ بِمَن ضَلَّ عَن سَبِيلِهِ وَهُوَ أَعْلَمُ بِمَنِ اهْتَدَىٰ
( 30 ) ![soomaali - An-Najm ( The Star ) - Aya 30 An-Najm ( The Star ) - Aya 30](style/islamic/icons/mp3.png)
Kaasina waa garaadkooda aqooneed intuu gaadhay, Eebana waa ogyahay cidda ka dhuntay jidkiisa, waana ogyahay cidda hanuunsan.
وَلِلَّهِ مَا فِي السَّمَاوَاتِ وَمَا فِي الْأَرْضِ لِيَجْزِيَ الَّذِينَ أَسَاءُوا بِمَا عَمِلُوا وَيَجْزِيَ الَّذِينَ أَحْسَنُوا بِالْحُسْنَى
( 31 ) ![soomaali - An-Najm ( The Star ) - Aya 31 An-Najm ( The Star ) - Aya 31](style/islamic/icons/mp3.png)
Samaawaadka iyo Dhulka waxa ku sugan Eebaa iska leh, si uu uga abaalmariyo kuwa xumaanta falay camalkoodii, ugana abaalmariyo kuwii wanaagga falay wanaag.
الَّذِينَ يَجْتَنِبُونَ كَبَائِرَ الْإِثْمِ وَالْفَوَاحِشَ إِلَّا اللَّمَمَ ۚ إِنَّ رَبَّكَ وَاسِعُ الْمَغْفِرَةِ ۚ هُوَ أَعْلَمُ بِكُمْ إِذْ أَنشَأَكُم مِّنَ الْأَرْضِ وَإِذْ أَنتُمْ أَجِنَّةٌ فِي بُطُونِ أُمَّهَاتِكُمْ ۖ فَلَا تُزَكُّوا أَنفُسَكُمْ ۖ هُوَ أَعْلَمُ بِمَنِ اتَّقَىٰ
( 32 ) ![soomaali - An-Najm ( The Star ) - Aya 32 An-Najm ( The Star ) - Aya 32](style/islamic/icons/mp3.png)
Waana kuwa ka fogaada dambiga waawayn iyo xumaanta, wax yaryar mooyeen, Eebana waa waasac dambidhaafkiisu, wuuna idin ogyahay markuu idinka abuuray Dhulka iyo markaad ku asturantihiin uurka hooyadiin, ee Naftiinna ha ammaanina Eebaa og cidda dhawrsashada badane.
أَفَرَأَيْتَ الَّذِي تَوَلَّىٰ
( 33 ) ![soomaali - An-Najm ( The Star ) - Aya 33 An-Najm ( The Star ) - Aya 33](style/islamic/icons/mp3.png)
Ka warrama midka xaqa ka jeedsaday.
وَأَعْطَىٰ قَلِيلًا وَأَكْدَىٰ
( 34 ) ![soomaali - An-Najm ( The Star ) - Aya 34 An-Najm ( The Star ) - Aya 34](style/islamic/icons/mp3.png)
Oo wax ar bixiyay inta kalana reebtay.
أَعِندَهُ عِلْمُ الْغَيْبِ فَهُوَ يَرَىٰ
( 35 ) ![soomaali - An-Najm ( The Star ) - Aya 35 An-Najm ( The Star ) - Aya 35](style/islamic/icons/mp3.png)
Ma agtiisaa cilmiga maqan yaallaa oo wuu arkaa.
أَمْ لَمْ يُنَبَّأْ بِمَا فِي صُحُفِ مُوسَىٰ
( 36 ) ![soomaali - An-Najm ( The Star ) - Aya 36 An-Najm ( The Star ) - Aya 36](style/islamic/icons/mp3.png)
Miyaan looga warramin (dadka) wixii ku yiillay Kitaabkii (Nabi Muuse).
وَإِبْرَاهِيمَ الَّذِي وَفَّىٰ
( 37 ) ![soomaali - An-Najm ( The Star ) - Aya 37 An-Najm ( The Star ) - Aya 37](style/islamic/icons/mp3.png)
Iyo kii (Nabi Ibraahimkii) ee oofiyay (wixii lafaray).
أَلَّا تَزِرُ وَازِرَةٌ وِزْرَ أُخْرَىٰ
( 38 ) ![soomaali - An-Najm ( The Star ) - Aya 38 An-Najm ( The Star ) - Aya 38](style/islamic/icons/mp3.png)
Inaan nafna dambi naf kale qaadaynin.
وَأَن لَّيْسَ لِلْإِنسَانِ إِلَّا مَا سَعَىٰ
( 39 ) ![soomaali - An-Najm ( The Star ) - Aya 39 An-Najm ( The Star ) - Aya 39](style/islamic/icons/mp3.png)
Ruuxna wuxuusan camalfalin heleeynin.
وَأَنَّ سَعْيَهُ سَوْفَ يُرَىٰ
( 40 ) ![soomaali - An-Najm ( The Star ) - Aya 40 An-Najm ( The Star ) - Aya 40](style/islamic/icons/mp3.png)
Camalkiisana la arki doono.
ثُمَّ يُجْزَاهُ الْجَزَاءَ الْأَوْفَىٰ
( 41 ) ![soomaali - An-Najm ( The Star ) - Aya 41 An-Najm ( The Star ) - Aya 41](style/islamic/icons/mp3.png)
Ka dibna looga abaalmarin doono si buuxda.
وَأَنَّ إِلَىٰ رَبِّكَ الْمُنتَهَىٰ
( 42 ) ![soomaali - An-Najm ( The Star ) - Aya 42 An-Najm ( The Star ) - Aya 42](style/islamic/icons/mp3.png)
Eebaa xaggiisana loo ahaan.
وَأَنَّهُ هُوَ أَضْحَكَ وَأَبْكَىٰ
( 43 ) ![soomaali - An-Najm ( The Star ) - Aya 43 An-Najm ( The Star ) - Aya 43](style/islamic/icons/mp3.png)
Eebe waakan wax ka qosliya kana oohiya.
وَأَنَّهُ هُوَ أَمَاتَ وَأَحْيَا
( 44 ) ![soomaali - An-Najm ( The Star ) - Aya 44 An-Najm ( The Star ) - Aya 44](style/islamic/icons/mp3.png)
Isagaana wax dila waxna nooleeya.
وَأَنَّهُ خَلَقَ الزَّوْجَيْنِ الذَّكَرَ وَالْأُنثَىٰ
( 45 ) ![soomaali - An-Najm ( The Star ) - Aya 45 An-Najm ( The Star ) - Aya 45](style/islamic/icons/mp3.png)
Isagaana abuuray labada nooc ee ah lab iyo dhaddigba.
مِن نُّطْفَةٍ إِذَا تُمْنَىٰ
( 46 ) ![soomaali - An-Najm ( The Star ) - Aya 46 An-Najm ( The Star ) - Aya 46](style/islamic/icons/mp3.png)
Kana ahaysiiyay dhibic soo baxday.
وَأَنَّ عَلَيْهِ النَّشْأَةَ الْأُخْرَىٰ
( 47 ) ![soomaali - An-Najm ( The Star ) - Aya 47 An-Najm ( The Star ) - Aya 47](style/islamic/icons/mp3.png)
Isagaana ahaysiin soo celinta kale.
وَأَنَّهُ هُوَ أَغْنَىٰ وَأَقْنَىٰ
( 48 ) ![soomaali - An-Najm ( The Star ) - Aya 48 An-Najm ( The Star ) - Aya 48](style/islamic/icons/mp3.png)
Eebe isagaa wax Hodmiya isagaana wax faqiiriya.
وَأَنَّهُ هُوَ رَبُّ الشِّعْرَىٰ
( 49 ) ![soomaali - An-Najm ( The Star ) - Aya 49 An-Najm ( The Star ) - Aya 49](style/islamic/icons/mp3.png)
Waana Eebaha xiddigga Shicra.
وَأَنَّهُ أَهْلَكَ عَادًا الْأُولَىٰ
( 50 ) ![soomaali - An-Najm ( The Star ) - Aya 50 An-Najm ( The Star ) - Aya 50](style/islamic/icons/mp3.png)
Eebe isagaa halaagay Caadkii hore.
وَثَمُودَ فَمَا أَبْقَىٰ
( 51 ) ![soomaali - An-Najm ( The Star ) - Aya 51 An-Najm ( The Star ) - Aya 51](style/islamic/icons/mp3.png)
Iyo Thamuudba waxna kama reebin.
وَقَوْمَ نُوحٍ مِّن قَبْلُ ۖ إِنَّهُمْ كَانُوا هُمْ أَظْلَمَ وَأَطْغَىٰ
( 52 ) ![soomaali - An-Najm ( The Star ) - Aya 52 An-Najm ( The Star ) - Aya 52](style/islamic/icons/mp3.png)
(Nabi Nuux) Qoomkiisiina horuu (uhalaagay), waxayna ahaayeen kuwa dulmi badan oo xadgudub badan.
وَالْمُؤْتَفِكَةَ أَهْوَىٰ
( 53 ) ![soomaali - An-Najm ( The Star ) - Aya 53 An-Najm ( The Star ) - Aya 53](style/islamic/icons/mp3.png)
Qoomkii (Nabi Luudhna) wuu riday (Eebe).
فَغَشَّاهَا مَا غَشَّىٰ
( 54 ) ![soomaali - An-Najm ( The Star ) - Aya 54 An-Najm ( The Star ) - Aya 54](style/islamic/icons/mp3.png)
Wuxuuna ka daboolay wuxuu ku daboolay (oo caddibaad ah).
فَبِأَيِّ آلَاءِ رَبِّكَ تَتَمَارَىٰ
( 55 ) ![soomaali - An-Najm ( The Star ) - Aya 55 An-Najm ( The Star ) - Aya 55](style/islamic/icons/mp3.png)
Teebaadse nicmooyinka Eebe shakinaysaan (kana doodaysaan) dadow.
هَٰذَا نَذِيرٌ مِّنَ النُّذُرِ الْأُولَىٰ
( 56 ) ![soomaali - An-Najm ( The Star ) - Aya 56 An-Najm ( The Star ) - Aya 56](style/islamic/icons/mp3.png)
Kan (Nabiga iyo Quraankuba) waa dige ka mid ah digayaashii hore.
أَزِفَتِ الْآزِفَةُ
( 57 ) ![soomaali - An-Najm ( The Star ) - Aya 57 An-Najm ( The Star ) - Aya 57](style/islamic/icons/mp3.png)
Wayna dhawaatay Saacaddii Qiyaame.
لَيْسَ لَهَا مِن دُونِ اللَّهِ كَاشِفَةٌ
( 58 ) ![soomaali - An-Najm ( The Star ) - Aya 58 An-Najm ( The Star ) - Aya 58](style/islamic/icons/mp3.png)
Wax Eebe ka soo hadhay oo ogna ma jiro (markay dhici).
أَفَمِنْ هَٰذَا الْحَدِيثِ تَعْجَبُونَ
( 59 ) ![soomaali - An-Najm ( The Star ) - Aya 59 An-Najm ( The Star ) - Aya 59](style/islamic/icons/mp3.png)
Ma quraankanaad la yaabantihiin.
وَتَضْحَكُونَ وَلَا تَبْكُونَ
( 60 ) ![soomaali - An-Najm ( The Star ) - Aya 60 An-Najm ( The Star ) - Aya 60](style/islamic/icons/mp3.png)
Ood qoslaysaan (idinkoo beenin) oydaanna ooyeynin (cabsi darteed).
وَأَنتُمْ سَامِدُونَ
( 61 ) ![soomaali - An-Najm ( The Star ) - Aya 61 An-Najm ( The Star ) - Aya 61](style/islamic/icons/mp3.png)
Idinkoo waliba hilmaansan (islana wayn).
فَاسْجُدُوا لِلَّهِ وَاعْبُدُوا ۩
( 62 ) ![soomaali - An-Najm ( The Star ) - Aya 62 An-Najm ( The Star ) - Aya 62](style/islamic/icons/mp3.png)
Ee dadow Eebe u sujuuda caabudana.